Yagleelida xarun lagu basaasayo Soomaaliya oo lagu heshiiyey

Image

TEHRAN, Iran – Dowladaha xulafada ah ee Iiraan iyo Shiinaha ayaa lagu waramay in ay ku heshiiyeen hirgelinta xarun ay ku uruurinayaan xogta mukhaabaraadka ee hawada iyo biyaha wadamo badan oo ay ku jiro Soomaaliya.

Dhismaha xarutaan oo ku saleysan heshiis istaraatiijiyadeed oo dalalkaan kala saxiixdeen ayaa fariisin looga dhigayaa dekada magaalada Chabahar, iyaddoo qorshuhu yahay in dhismaha la bilaabo bisha November.

Saraakiil ka kala socda dhinacyadda iyo Ruushka oo bah-wadaag la ah ayaa kawada howgalaya qol gaar ah oo xogta lagu falanqeyn doono, lagu wadaagi doono isla markaana lagu darsi doono xogta ay uruuriyaan.

Xaruntaan noqon karta mid kamid ah kuwa ugu waaweyn caalamka ayaa wadashaqeyn dhanka isgaarsiinta ah waxay ka yeelan doontaa xarumo kale oo ku kala yaala magaalooyinka Suuriya dhaca ee Tartus iyo Latakia.

Qalabka lidka diyaaradaha iyo midka lagu qaado weerarada internet-ka ayaa lagu wadaa in lagu rakibo xaruntan shaqadeedu tahay basaasnimada.

"Hadafka mashruucaan waa in lagu abuuro hawo diyaaradeed iyo biyo aysan labin ku lahayn 'cadowga' ka howlgeli karin kuna isticmaali karin hub, lakabyo ay shucaac ku furaan iyo kuwa ay isku difaacaan si lamid ah weeraro internet-ka," ayaa lagu yiri warbixin lagu faafiyey mareegga Israel Defense.

Wadamada Soomaaliya wehliya ee xaruntaan ay basaaseyso laguna uruurinayo macluumaadkooda waxaa kamid ah; Austria, Israel, Turkiga, Gariiga, Masar, Suudaan, Itoobiya, Kenya, Afghanistan, India, Pakistan iyo Thailand.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, qorsheyaasha loo hirgelinayo xarutaan waxaa kamida in Mareykanka culeys looga saaro in uu dhaqdhaqaaq ka sameeyo nawaaxiga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo badda Koonfurta China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM