Yamamoto: Nabad kama jireyso Geeska Africa hadii aaney Somalia Nabad ahayn

Image

MUQDISHO, Somalia - Safiirka Mareykanka ee Somalia, Donald Yamamoto ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday meel fagaare ah tan iyo markii uu yimid magaaladda Muqdisho bishii November, ee sanadkii 2018.

Yamamoto ayaa ka hadlay arrimaha horumarka iyo nabada Somalia, isagoo sheegay in Mareykanka uu taageero siiyo dowladda Federaalka ah, islamarkaana uu kala shaqeyn doono sidii looga cafin lahaa deymaha lacageed ee caalamka looga leeyahay.

Safiirka ayaa xusay inuu yahay shaqsi mudo 20 sano kasoo shaqeeyay meelo kala duwan oo kamida dalka, waxaana uu tilmaamay in Somalia nabadeeda ay muhiim u yahay gobolka Geeska Africa.

"Horumar iyo nabad kama jireyso Geeska Africa, hadii aaney Somalia nabad aheyn, oo aaney horumarsaneyn," ayuu yiri Safiirka Mareykanka, Donald Yamamoto.

Sidoo kale, Safiirka ayaa daboolka ka qaadey in hay'adda USAID ay taageerto ganacsato iyo beeralay Soomaaliyeed, oo ka caawisay inay horumariyaan ganacsigooda iyo wax soo saarka dalka.

Mareykanka ayaa 2017 joojiyay taageero uu siin jiray ciidamada militeriga Somalia, kadib markii sida uu sheegay musuq-maasuq lagu sameeyay shidaalkii iyo cuntadii ay ugu deeqeen cutubto kamida ciidanka xoogga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM