Yuusuf Dabageed oo ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyay

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Gudoomiyahii gobolka HiiraanYuusuf Dabageed, ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare maalintii shalay.

Isagoo saxaafadda kula hadlayay Beledweyne, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in xilka loogu magacaabey markii hore heshiis dhex-maray madaxda maamulka HirShabelle iyo dowladda Federaalka, sidaasi darteedna uusan Waare shaqada ka ceyrin karin.

Dabageed ayaa si degdeg ah xilkii looga qaadey kadib markii uu eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Waare, waxaana xilka qaadistii sababtay in maamulka gobolka Hiiraan mas'uuliyiintiisa ku kala qeybsamaan.

Ciidamo taabacsan Yuusuf Dabageed ayaa la sheegay inay la wareegeen Koontaroolada laga galo Beledwyne iyo xaruumo maaliyadeed, kadib markii uu soo saarey Madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe amar lagu soo xirayo gudoomiyaha gobolka.

Warar hoose oo uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inuu jiray khilaaf u dhaxeeyay Waare iyo Dabageed oo ku aadan qaadista lacaga canshuuraha iyo halka lagu shubayo dhaqaalaha kasoo xarooda gobolka Hiiraan.

Yuusuf Daabageed ayaa diiday inuu lacagta ku shubo khasnadda maamulka HirShabeelle, isagoo ku doodaya in dhaqaalaha gobolka ay xaq u leeyihiin shacabkiisa, maadaama gobolka Shabeellaha Dhexe la wadaagin.

Waare ayaa saddex gudoomiye u magacaabey Hiiraan mudo labo sano ah oo isaga uu xafiiska joogo, waxaana arrimaha ay qeyb ka yihiin fashilka dhinaca siyaasadda iyo khilaafka wali ka taagan HirShabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM