Yuusuf Garaad: Eray la qoonsaday yaanuu horseedin abaal-dhaca Uganda

Image

MUQDISHO, Somalia - Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku baaqay in hadalkii Madaxweyne Yoweri Museveni uusan horseedin in lagu abaal dhaco dowladda Uganda.

"Madaxweynaha Uganda, Dowladda, Ciidanka iyo Shacabkuba waxay noo galeen abaal shuruud la’aan ah. Eray la qoonsaday yaanuu noo horseedin abaal-ka-dhac iyo in aan u muuqanno kuwo aan la socon kaalinta ay maanta noogu jirto Uganda," ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Museveni oo ka hadlayay kulanka Sanadlaha ah ee Garsoorka Dalkiisa ayaa tusaale u soo qaatay Somalia dalal aan ka jirin awood nidaamsan iyo dowlad fulisa shaqooyinkii loo igmaday.

Waxaa uu sheegay in Dowladdu tahay mid maamusha dalka, fulinna karta sharciga, waxaa uu sheegay in ay jiraan dalal badan oo aan lahayn dowlad, waxaa uu tusaale u soo qaatay Somalia.

“Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad,tusaale Somalia, iyo kuwa kale oo aysan diblomaasiyadda ii oggoleyn in aan sheego," ayuu yiri Museveni oo hadalkiisa u muuqday mid uu ku dhiira-gelinta Garsooriyeyaasha dalkiisa.

Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Somalia isagoo tusaalooyin badan oo xun xun usoo qaatey xilli uu ka hadlayay fagaaroyaal, waxaana hadalkiisuu ugu dambeeyay ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda DF Axmed Ciise Cawad oo ku tilmaamay hadal qof iska yiri, oo xaqiiqda ka fog.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM