​3 Arday ku geeriyootay degmada Lughaya, Awdal

Image

LUGHAYA- Saddex arday oo wax ka baran jirtey dugsiga saree e GEB ee degmada lughaya, ayaa geeriyootay, kadib markii ay liqday badda Lughaya gobolka Awdal oo ay ku dabbaalanayeen.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey madaxa wasaaradda caafimaadka degmada Lughaya  u qaabilsan Axmed Cabdi Geeddi, waxa  meydadka ardaydaasi lagu hayaa cisbitaalka degmadaas, waxana jira arday kale oo isla baddaas laga soo badbaadiyey.

 Magacyada ardayda geeriyootay ayaa kala ahaa Cabdinaasir Tallan Cali oo  20-jir ahaa, Muxyadiin Xasan Gaboobe oo 20-jir ahaa iyo Cabdikariin Xasan Cali oo 20-sano jir ahaa, waxana ay dhigan jireen fasallada labaad iyo saddexaad dugsiga hoyga(boarding) ah ee degmadaasi.

Madaxda kala duwan ee wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa ka hadlay dhacdadan iyagoo tacsi u diray walidiinta iyo ehelkii ay ka baxeen.

Badda degmada Lughaya ayaa waxaa xilliyo kala duwan ugu geeriyooday shakhsiyaad katirsanaa dadka deegaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM