Abwaan-kii curiyay heestii “Birmade Xasan Sheekh” oo maalmo ku xiran Hargeysa

Image
Abwaanka ayaa la sheegay in uu u tagay Hargeysa si uu uga qeyb galo Aaska Wiil uu dhalay

Hargeysa, Soomaaliya - Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in magaalada Hargeysa lagu xiray Cabdirisaaq Axmed Geedi Aaqiro oo ah abwaan si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho, isla markaana tiriyay gabayo lagu tageerayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilligii ololaha doorashada.

Abwaan Cabdirisaaq Aaqiro oo ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa ku sugnaa waayahan magaalada Muqdisho, isaga oo ka jeedin jiray Cashirro ku saabsan Cimiga Bulshada kana qeyb ahaa Dood-Cilmiyeed lagu lafa guraayo Caqbadaha ay wajahaan dhallinyarada.

Abwaanka ayaa la sheegay in uu u tagay Magaalada Hargeysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, si uu uga qeyb galo Aaska Wiil uu dhalay oo ku geeriyooday Magaaladaasi.

Sida la wada ogsoon yahay Abwaan Cabdirisaaq ayaa curiyay heestii “Birmade Xasan Sheikh”, wuxuuna sidoo kale bare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ku taal magaalada Muqdisho.

Maamulka Hargeysa ayaan weli wax war ah ka soo saarin xariga Abwaan Cabdirisaaq, xilli loo aanaynaayo xarrigan khilaafka Siyaasadda ku qotoman ee ka aloosan Muqdisho & Hargeysa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM