Air Arabia oo ka dagtey magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa [SAWIRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland- Shirkada Air Arabia ayaa duulimaadyo ka bilowdey magaalo madaxda dowlada Somaliland ee Hargeysa.

Duulimaadkii ugu horeeyey ee shirkada diyaardaha Air Arabia ayaa saaka ku tagtey magalaada Hargeysa iyadoo xafladii lagu soo dhoweynayey ka qayb Galen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiiro ka tirsan xukuumada, wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta iyo sarakiil ka tirsan shirakdaas.

Shirkada Air Arabia oo laga leeyahay Sharjah dalka  ayaa ka dhigeysa tagisteeda magalaada Hargeysa midkii labaad ay diyaarad laga leeyahay dalka Imiraadka Catabta ku tagto mamaulkaas.

Shirkada diyardaha Fly Dubai ayaa horey culimada Afar jeer ah asbuucii ku tagi jirtey magalaada Hargeysa taasoo shacabka degaankaas iyo guud ahaan dadka Somalida isticmalaan.

Tagista diyaarad aan ayaa imaaneysa maalmo kadib markii Wadanka Imaraadka Carabta iyo maamulka Somaliland hehsiis waddo isku xirta magalaada Berbera Ethiopia iyo garoon diyaradeed cusub kala saxiixdeen.

Somaliland ayaa u muuqata iney guraneyso mirihii go'aankii ay ku taageeraan xulufada dalka Sucuudiga kaa soo xiriirka loogu jirey Wadanka Qadar. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM