Awdal oo laga diiday Doorashada Somaliland.

Image

BOORAMA, Soomaaliya - Odayaasha dhaqanka ee gobalka Awdal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama ayaa ku adkaystay in deegaanadaas aysan ka dhicin Doorashada maamulka Somaliland.

Guddiga Beelaha Habar Jeclo ayaa go'aankii dhex-dhexaadinta jabhada Gacan Libaax waxa uu keenay in uu Booska Waayo ururka Hilaac ee uu hogaamiyo Prof Ahmed Ismail Samatar.

"Anaguna sadex nin oo ilma Adeer ah daba joogi mayno sodon sano ka badan" ayuu yiri mid kamid ah Cuqaasha.

Magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal iyo deegaanka Salal iyo Gebilay ayuu si wayn uga jiraa guux ah in ay helaan maamul ka madax banaan kan Somaliland.

Tan ayaa ka dhigan in maamulka Somaliland uu kusoo aruurayo gobalka Waqooyi galbeed iyo Togdheer oo kaliya hadii ay wadada Khaatumo qaadaan gobalada Awdal ee xuduudka la leh dalka Itoobiya halkaasi oo ay Somaliland sidoo kale ku waayi doonto dhaqaalaha kastamyada.

Somaliland ayaa 30 sano kadib waajahaysa kala tag aan horey loo saadaalin kadib markii maamulka 30 jira uu heli waayay Aqoonsiga caalamka iyo kan gobalka midna isla markaana uu horumar ka samayn waayay maamul daadejinta iyo Nolosha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM