Barlamanka oo taageeray wax kabadalka xeerka diiwaangalinta Somaliland

Image

HARGEYSA- MudanayaashaAqalka  wakiillada Somaliland, ayaa meel mariyey wax-ka-beddel uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey xeerka diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka maamulkaasi.

Fadhi xubnuhu ku yeesheen xaruntooda Hargeysa oo ay soo xaadireen 58-mudane ayaa 55- kamid ahi gacanta u taageen in la meelmariyo wax-ka-beddelkaas, waxana diiday 1-mudane, halka 3-kale ka aamuseen.

Wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeerka diiwaangelinta codbixiyayaasha  ayaa ka dhashay  dib udhigis lagu sameeyey diiwaangelinta codbixiyayaasha oo gobollada qaarkood  aan wali laga qabanin, iyadoo sababtuna ahayd abaaro xooggan oo meelo Somaliland kamid ah ku dhuftay.

Meelaha xeerkan kamid ah ee uu madaxweynuhu wax ka beddelay, mudanayaashuna ku raaceen, waxaa kamid ah; qoddobo horey u qeexayey in  diiwaangelinta codbixiyayaasha lasoo afmeero  lix bilood ka hor inta aanay bilaabin doorashooyinka madaxweynenimada iyo midda wakiillada  ee qorshaysan sanadka soo socota, waxana haatan loo beddelay in diiwaangelinta la dhammeeyo lix bilood gudahood inta aanay doorashooyinku qabsoomin.

Ansixinta xeerkan waxa kabadalay diiwaangalinta doorashooyinka Somaliland, ayaa meesha ka saaraysa walwal salka ku hayey in doorashooyinka madaxweynenimada iyo midda wakiillada ee qorshaysan dib u dhici karaan, maadaama ay jirto qabyo xagga xeerka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM