Barlamanka Somaliland oo doortey gudoomiye cusub

Image

HARGEYSA , Somaliland- Golaha Wakiilada Somaliland waxay Guddoomiye u doorteen Baashe Maxamuud Faarax oo hore usoo ahaa guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Baashe waxaa la tartamay Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanale, doorasho gacan taag ah ayaa ka dhacday golaha, waxaana 39cod ku guulaystay Baashe Maxamuud Faarax , halka Cabdiraxmaan Talyanle uu helay 38cod.

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada waxay timi kadib markii , Guddoomiyihii Golahaasi ee 12sano lasoo dhaafay Cabdiraxmaan Ciro uu iska casilay xilkaasi, isagoo isu sharaxay Madaxweynaha Somaliland.

Gudoomiyaha cusub iyo gudoomiyahii hore ayaa horey isugu gacan qaadey aqalka Barlamanka kadib markii codbixin muran dhalisay ka dhacdey gudaha aqalka wakiilada Somaliland.

Somaliland ayaa la filaya iney ka dhacdo doorashada madaxtinimada iyadoo ay ku tartamayaan xisbiyada kamid yihiin Kulmiye iyo Wadani.

Warkaan qayb  kamid ah waxaa nagu biiriyey Wariye Jamac Deprani.

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM