Ciidamada Somaliland oo qabtey dablaydii dishay taliyaha

Image

HARGEYSA, Somaliland- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay in ciidamadeeda ammaanku gacanta kusoo dhigeen 8-nin oo kamid ahaa dablaydii dhawaan gobolka Saaxil ku dishay talihii ciidanka booliska ee deegannadaas xukumayey.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali  Maxamed Waran-cadde oo warbaahinta la hadlay markii ciidamadu soo qabteen kooxdan dilka taliyaha lagu eedaynayo, ayaa  sheegay in kooxdaas la go’doomiyey ka hor inta aan la qabanin, waxana uu intaas ku daray in 3-nin oo  dablaydaas kamid ahi gacanta ciidanka ka baxsadeen, isla-markaana lagu daba jiro.

Wasiirku waxa uu caddeeyey in kooxdan sharciga la horgeyn doono, maadama ay ku kaceen tallaabo khalkhal gelisay ammaanka gobollo badan oo dalka kamid ah oo ilaa haatan xaalladooda laga walwalsan yahay.

Soo qabashada kooxdan, ayaa si weyn loosoo dhaweeyey, maadaama maqnaanshahoodu horseedi karayey xaalad ammaan darro, waxana xusid mudan inaan wali la aasin meydka taliyaha la dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM