Ciidamo ka amar qaata Muuse Biixi oo duqeymo aan loo meel dayin ka geystey Laascaanood

Image
SAWIR HORE

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Duqeymo aan loo meel dayin ayaa maanta gilgishay magaalada Laascaanood, waxaana ku dhintay lix qof oo aan waxba galabsan. Goob joogayaal ayaa xusay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqeymaha isdaba jooga ah ee tan iyo saakay.

Saamaynta duqeymahaasi waxay gaarsiiyeen khasaare hantiyeed oo aad u badan, waxaana ku geeryoodi Mid ka mid ah waxgaradka Laascaanood, oo lagu magacaabi jiray Caamir Jamac Maxamed, ka dib markii uu madfac ku soo dhacay hooygiisa.

Iyadoo ay halkaasi rabshado ka dhaceen, ayaa rasaas teel teel ah laga maqlayay agagaarka magaalada, iyadoo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ay isku hor fadhiyaan duleedkeeda.

Magaalada Laascaanood ee la il daran duqeyn, barakacin, xasuuq oo ay geysanayaan ciidamda ka amar qaata Muuse Biixi ayaa muddo bilo ah u taagnayd xudunta colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo Bulshada ku dhaqan magaalada.

Dhanka kale, Maamulka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo duqeymahan aan loo meel dayin oo ay geysteen ciidamada Somaliland oo galaaftay nolosha lix qof oo rayid ah, 19 kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana burbur xooggan u geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada.

Iyagoo arrintaas ka jawaabaya, hogaanka SSC-Khaatumo ayaa ku celceliyay inay ka go'an tahay difaaca shacabkooda iyo horumarinta nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Xaalada ayaa ah mid qasan iyadoo magaalada iyo dadka ku nool ay la daalaa dhacayaan dhacdadan naxdinta leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM