Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Image

Hargeysa — Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa sheegay in ilaa hadda aanu arag qodobadii ku qornaa heshiiskii is-afgarad ee madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi uu la galay Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay inay eegayaan haddii uu jiro mad madaw ku jiray heshiiskaasi, isagoo tilmaamay in aanay xukuumaddan cusub ee madaxweyne Cirro, Ictiraafka ku bedelayn inay bixiso dhulka iyo khayraadka Somaliland.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee golaha wakiilada ay ku weydiiyay su'aalo la xiriira qodobbadii hesiiska is af-garadka ugu waynaa.

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM