Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Image

HARGEYSA, Soomaaliya – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Irro), ayaa taageero buuxda u muujiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sanadkan loo soo jeediyay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, kadib markii uu hadallo dhiirrigelin leh ka jeediyay arrimaha Geeska Afrika, kuwaasoo si gaar ah u soo jiitay madaxda Somaliland.

Madaxweyne Irro, oo xilka qabtay sannadkii hore, ayaa ammaanay Donald Trump dadaalkiisa lagu xallinayo khilaafaadka caalamiga ah, isagoo xusay in tan iyo markii uu mar kale madaxweyne noqday uu Trump si firfircoon uga shaqeynayay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

“In kasta oo Madaxweyne Trump si dadban uga hadlay damaca madax-bannaanida Somaliland, haddana Mareykanka waxa uu weli taagan yahay siyaasadda ‘Soomaaliya mid ah’, taas oo u aragta Somaliland inay qayb ka tahay dalka Soomaaliya – mowqif si adag ay u difaacdo Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warbixin laga helay xafiiska Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Irro ayaa sheegay: “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo geesinimo u yeeshay in uu arrinta Somaliland ka hadlo – arrin aanay madaxweynayaashii ka horreeyay ka hadli karin. Waan taageerayaa in uu ku guuleysto abaalmarinta Nobel Peace Prize, maadaama uu dadaal ugu jiro inuu joojiyo dagaallada dunida – laga bilaabo Ukraine ilaa Gaza iyo meelo kale.”

Somaliland ayaa muddo badan ku dadaalaysay in la aqoonsado madax-bannaanideeda, balse dalalka badankooda ayaa weli taageersan siyaasadda midnimada Soomaaliya. Khilaafkii ugu dambeeyay ee ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yimid kadib markii Addis Ababa isku dayday in heshiis qarsoodi ah oo marin badeed ah ay la gasho maamulka Hargeysa.

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump, iyo hindisaha uu Congressman Scott Perry horgeeyay Aqalka Wakiillada Mareykanka ee la yiraahdo Somaliland Recognition Act.

“Baaqyada ka imaanaya sharci-dejiyeyaasha Mareykanka waxay kicisay cadawgeena,” ayuu yiri Irro, isaga oo ku adkaystay in Somaliland aysan marna dib ugu noqon doonin midnimo la leh Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa ka qeyb qaatay dadaallo nabadeed oo caalami ah, sida xiriirka Ukraine iyo Ruushka, hase yeeshee waxaa lagu dhaleeceeyay mowqifkiisa aan dhexdhexaadka ahayn ee ku aaddan dagaalka Israa’iil iyo Falastiin, oo kumannaan qof ay ku dhinteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM