Soomaaliya: Culimada Laascaanood oo "Ahbiyay" Muuse Biixi

Image
SAWIR HORE

HARGEYSA - Shiikh Maxamuud Xaliike oo kamid ah culimada caanka ah ee dhulka Soomaalida isla markaana fadhigiisu yahay Laascaanood ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaaladii ka dhacay Magaaladaas.

Shiikha ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliland in aysan soo dayn oo ay kala jartay kalmad uu ka jeediyay shir culimada Soomaalidu ay Hargeysa kula yeesheen mas'uuliyiinta Somaliland 23 August 2021.

"Hadii aad ilaahay taqaan oo aad rumeysan tahay in ilaahay la hor tagayo ciidamadaada kala bax buuraha iyo banaanka Laascaanood oo gee deegaankooda, " ayuu yiri Shiikha.

Tan iyo intii Kismaayo lagu dilay, Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ahaa maamulaha machadka Alfurqaan ee Laascaanood waxaa Shiikh Xaliike lagu tilmaamaay mid kamid astaamaha culimada ee SSC.

"Ma rabno dhiig danbe oo wiil Soomaaliyeed in uu daato xitaa in aan hal xabo lagu ridin ayaan balan qaadaynaa hadii ay ciidamadaasu guurayaan" ayuu sii raaciyay Shiikha oo ka hadlay Laascaanood.

Fariinta Shiikh Maxamuud Xaliike ayaa imaanaysa iyada oo ay ciidamo labada dhinac ah kusii qul-qulayaan Laascaanood islamarkaana dhawaan la doortay hogaanka sare ee maamul goboleedka SSC-Khaatumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM