​Dagaal dhimasho sababay oo ka dhacay nawaaxiga Hargaysa

Image

HARGAYSA- Iska hor imaad dhimashho iyo dhaawac keenay, ayaa ka dhacay banka Qool­caday oo xukuumadda Somaliland ka wadday qorshe lagaga samaynayo seero xoolaha si gaar ah loogu xanaaneeyo.

Qool-­cadey ayaa qiyaastii 34­km dhinaca koonfureed kaga beegan caasimadda Hargeysa, waxaa dhacdadaasi ku dhintay hal askari, halka afar qof oo kale oo laba ka mid ah dadka deegaanka yihiin dhaawacyo kala duwani soo gaareen, sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa goobta dagaalku ka dhacay.

Arrintan, ayaa timi kadib markii halkaasi gaareen wasiirro, salaadiin iyo saraakiil sare oo xukuumadda katirsan, waxayse la kulmeen malayshiyo beeleed hubaysan kuwaasi oo ay is-fara saareen ilaalada mas'uuliyiinta goobta tagtay.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in wasiirradii iyo ciddii kale ee la socotay markii hore laga xoog roonaaday, balse waxa caasimadda Hargeysa ka baxay gurmad ciidan oo tiro badan, kuwaas oo haatan banka Qool­-cadey si buuxda gacanta ugu haya, waloow xukuumaddu wali arrintan wax war ah kasoo saarin.

Dhaawaca iyo dhimashada dagaalkaasi, ayaa la keenay cisbitaalka weyn ee Hargeysa, waxayna ciidamadda Boliisku raacdo ugu jiraan maleeshiyadii rabshadda bilowday.

Dadka deegaanka Qool­-cadey ayaa isku khilaafsan seeraha ay xukuumaddu doonayso inay bankaas ka samayso, iyagoo ku andacoonayaan in goobtaasi cid gaar ah loogu danaynayo.

Maaha markii ugu horaysay isku dhac ka yimaado qorshe dowladdu waddo, waxaana inta badan ka biyo diida dadka deegaanka oo aaminsan in shakhsiyaad gooni ah lagu naas-nuujinayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM