Dowladda Itoobiya iyo Somaliland oo kala saxiixday heshiis muran dhaliyay

Image
Muuse Biixi ayaa sheegay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsatay dal.

Addis Ababa (GO) - Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday heshiis u gogol xaaraya in Itoobiya ay dekad ku yeelato badda cas, sida uu ku dhawaaqay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

“Heshiiska is-afgaradka ayaa dhabaha u xaari doona xaqiijinta hamiga Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed iy deked”. ayaa lagu yiri warmurtiyeedka ay soo saareen Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Waxaa intaasi la raaciyay: “Heshiiska wuxuu abuuraya bog cusub oo iskaashi ah, wuxuuna muhiimad weyn u leeyahay is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika. Waxa kale oo ay Itoobiya u sahlayaa in kor loo qaado doorkeeda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo nabadgelyada gobolka.”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee barta Facebook: “Maxaan kaloo dhihi karaa oo aan aheeyn:Alxamdullillah. ilaah baa mahaddaas leh”.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay u aqoonsatay Somaliland dal madaxbanaan, isaga oo sheegay in uu heshiiskan u saxiixay si uu u fuliyo danta shacabka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM