Dowladda Itoobiya oo amaantay doorashadii Somaliland

Image
War-saxaafadeedku waxa kale oo lagu ammaanay Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

HARGEYSA, Somaliland - Dowladda Itoobiya ayaa bogaadisay doorashadii madaxtinimada ee toddobaadkan ka dhacday Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa lagu sheegay inay shacabka Somaliland ku hambalyeysay sida nabad-gelyada iyo dimuqraadiga ah u dhacday ee doorashadu u dhacday.

War-saxaafadeedku waxa kale oo lagu ammaanay Komishanka Doorashooyinka Somaliland sida ay u qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

“Hannaankani waxa uu ka tarjumayaa bisaylka dawladnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland,” ayaa lagu soo gunaanaday war-murtiyeedka.

Horaantii sanadkan, Itoobiya iyo Somaliland waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah (MOU) kaas oo Somaliland ku siinaya aqoonsi ay ku kireynayso 20km oo badda ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland.

Is-fahamkaas ayaa lagu cambaareeyay in uu ku xad-gudbay qaranada Soomaaliya oo u aragta Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda. Somaliland iyo Itoobiya way difaaceen heshiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM