Ethiopian la masaafurinayo oo shil ku dhintey

Image

HARGEYSA- Ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey 4 qof oo laba kamid ahi ciidamada ammaanka ka tirsanaayeen, ayaa dhintay 65-qof oo  oo kalena waa dhaawac kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo siday dada oromo ahi ku dhacay dhinaca bari ee deegaanka Dacar-budhuq ee gobolka Maroodi jeex.

Sida saraakiil caafimaad warbaahinta u sheegeen waxa dhaawacyada intooda ugu badan la gaarsiiyey cisbitaalka guud ee Hargeysa, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Dadkan ajaanibka ah ee dhimashada iyo dhaawacu soo gaarey ayaa laga keenay xeryo  ku yaalay gobolka Sool  waxana ay qayb ka ahaayeen daabulka iyo musaafurinta xukuumadda Somaliland ku hayso dadka kasoo jeeda wadanka Ethiopia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM