Faahfaahin ku saabsan dagaal ka dhacay duleedka Hargeysa

Image
Xaalada deegaanka ayaa haatan ah mid degan, iyada oo ay soo farageliyeen dowlada hoose.

HARGEYSA, Soomaaliya - Ciidamo hubeysan ayaa saaka weerar ku qaaday fariismo ay Ciidamada Somaliland ku lahaayeen duleedka magaalada Hargeysa, iyada oo wararka horudhaca ay tibaaxayaan dhimashada 5 qof.

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo kamid ah Golaha Deegaanka Hargaysa ayaa ka hadlay dagaalkan isaga oo yiri: "Muran dhul oo baryahanba sii xoogaysanayay ayaa sababay khasaaraha dhimasho iyo dhawaac ah”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhulku yahay dhul dan guud ah oo ay gacanta ku hayso dowlada hoose, isaga oo intaa ku daray in niman millateri ah la doonayay in ay si nabad ah uga guuraan dhulka balse taas aanay dhicin.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la warinaya in ay sheeganaayeen in ay leeyihiin dhulkaas ku yaala buuraha Naaso-Hablood ee waqooyi bari Hargaysa.

Xaalada deegaanka ayaa haatan ah mid degan, iyada oo ay soo farageliyeen dowlada hoose iyo xukuumadaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM