Fannaaniin shil ku galay nawaaxiga Hargaysa

Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Qaar kamid ah fannaaniinta xidigaha Geeska ayaa shil gaari ku galay nawaaxiga magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland, siday ay GO u xaqiijiyeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta kooxdaas.

Shilka ayaa ka dhacay tuulada lagu magacaabo Abaarso oo qiyaastii 15KM dhinaca Galbeed ka xigtay magaalada Hargaysa.

Fanaaniinta shilka galay, ayaa la sheegay inay saarnaayeen Gaari noociisu yahay HAMMER oo uu leeyahay Musician-ka kooxda Axmed Weli Furinle.

Majirto wax khasaaro ah oo ka dhashay shilkaas, balse waxaa bur-bur laxaad leh soo gaaray baabuurka ay ku safrayeen fannaaniintu.

Shilka ayaa dhacay xilli roobab laxaad leh ka da'ayeen nawaaxiga magaalada Hargaysa.

Majirto si rasmi ah u faah faahisay sababta keentay shilka baabuurka.

Kooxdan ayaa socdaal dalxiis u ahayd tuulada Abaarso, waxaana qorshahoodu ahaa inay soo laabtaan isla maanta.

Ilaa todobo qof ayaa ku safrayay baabuurka bur-buray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM