​Fashil ku yimid hishiiskii Somaliland iyo Khatumo ay gareen.

Image

BURCO, Somaliland- Burbur ayaa ku yimid wadahadalladii Somaliland iyo Khatumo iyadoo shalay 10,July loo ballansanaa dhamaystirka hishiiskii 16 June labadaas dhinac ku wada gaareen magaalada Hargaysa kasoo qodob ka mid ah uu dhigayey qabsoomida shirkaas oo la isla gartay in lagu qabto magaalada Burco.

Wasiiro iyo xubno ka mid ah guddiga wadahadalladan u qaabilsan Somaliland ayaa dhawaan Warbaahinta ka sheegay in Khatumo ay qaab khaldan u dhigeen shirka loo ballansanaa inuu Burco ka qabsoomo tobanka bishan.

Xubnahan oo ay ka mid ah ahayeen Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa sheegay in dib loo dhigay shirkaas lana qaban doono 24 July.

Ilaa hadda arrintan kama hadlin xukuumadda Puntland, waxaana tallaabadan saamayn ku yeelanaysaa ganacsiga guud ee dalka iyo dadka ka raadsada Nolol maalmeedkooda. DR Cali Khaliif Galayd ayaa  diiday dib u dhigista maamulka Somaliland uu shirkaas ku samaysay isagoo sheegay in aan lagala tashan wuxuuna intaas ku sii daray in hadduusan qabsoomin waqtigii lagu ballamay shirkaas in wadahadallada u socday iyaga iyo Somaliland uu bur bur ku imaanayo.

Xubno ka tirsan Khatumo iyo Somaliland ayaa sheegaya inay socdaan da’daallo lagu doonayo in xal la gaaro si uusan u fashilmin wadahadallada labadan dhinac oo Sagaalkii bilood ee la soo dhaafay socday.

Isimada Dhulbahante ayaa diiday ka qayb galka shirka Burco iyo guud ahaanba qodabadii ka soo baxay hishiiskii Somaliland iyo Khatumo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM