Hadal-heyn ka dhalatay dilka Abwaan Jaamac Kadiye oo qabsatay Baraha Bulshada

Image
SAWIR HORE

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Abwaankii caanka ahaa Jaamac Kadiye ayaa lagu dilay magaalada Laascaanood, kadib markii madfac lala beegsaday gaarigiisa xilli uu ku wajahnaa masaajidka, sida ay wararku sheegayaan.

Dhacdadan murugada leh ayaa dhalisay muran baahsan oo baraha bulshada qabsaday kaas oo u dhaxeeya dadka wax garadka ah iyo siyaasiyiinta, waxayna u kala qeybsameen laba garab, oo kala ahaa: garab si adag uga hadlay dhacdadaan iyaga oo qeexay cidii ka dambeysa, halka garabka kale ay tacsi u direen ehelada abwaanka, iyaga oo aan ka hadlin duqeynta iyo cidda dilka geysatay.

Masuuliyiin iyo siyaasiyiin ku dhex jiray saaxadda siyaasadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Mahdi Guuleed, ayaa si adag uga hadlay dhacdadii xanuunka badnayd, waxaanay si toos ah u cadeeyeen doorka ay Somaliland ku leedahay weerarkaas, waxayna qaarkoodii ku hanjabeen inay tallaabo ay qaadi doonaan.

Ka dib markii ay ehelada marxuumka iyo umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyeen geerida abwan Jaamac, Siyaasiyantan ayaa sidaan uga hadlay dhinacyada lagu tuhmayo inay dambigan geysteen:

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa markii hore sheegay: “Duqeynta Somaliland ku laynayso haldoorka, birimageydada iyo guud ahaan Shacabka gobolka Sool, waxay muujinaysaa cadowtnimada maamulka Muuse Biixi u qabo dadka reer Sool, Mana ahan mid taasi la isaga hari doono.”

“Waxaan cambaaraynayaa duqaynta uu maamulka Somaliland ku dilay Abwaan Jaamac Kediye Cilmi iyo dadkii kale ee shacabka ahaa ee duqayntii Laascaano maanta lagu dilay.” ayuu kaga falcaliyay dhacdadan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhankiisa ka yiri dhacdadan: “Waxaan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeryoodey Abwaan Jaamac Kadiye oo ku dhintey duqeymaha wuxuushnimada ee ciidamada Somaliland ku ridayaan magaalada Laascaano.”

Mahdi Guuleed ayaa sidoo kale soo jeediyey in maxkamad la horekeeno Muuse Biixi kadib “duqaynta aan loo aabo yeelin oo ku gumaaday Shacabka iyo birma-gaydada”, sida oo sheegay.

Kooxda aan ka hadlin sida ay geeridiisu ku timid

Si ka duwan dhawaaqyadan cambaaraynta ah, Warbaahinta ku hadasha afka Dawladda Faderaaalka, Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyo sidoo kale koox siyaasiyiin ah, oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abdirashid Yusuf Jibril, waxay kaliya ugu tacsiyadeeyeen Marxuumka iyaga oo aan sheegin habka oo ku shahiiday.

Dadka arrintan ku falanqeeyay baraha bulshada ayaa u arkayay inay tahay aflagaado loo geystay Marxuumka in aan la soo hadal qaadin sababtii keentay dhimashadiisa, maadaama si xaqdarro ah loo dilay.

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah loo dhaliilay, ilaa ugu dambeyntii ay ku qasbanaadeen in ay tirtiraan qoraalka ay soo geliyeen Facebook-ga.

Wariye sare Maxamed Xaraare ayaa taas ka yiri: “Farriimaha xasaasigaa marka horaa laga fakaraa, loo fariistaa oo si la isla ogyahay loo baahiyaa. Haddii eray soo noqdana mid kalaa la qoraa oo sadar cusub ama xog cusub lagu kordhiyaa. Waxaan tilmaamayaa in telefishinkani aanu fulin ujeeddada uu u taagan yahay haba yaraatee”.

Dadka qaar ayaa sidoo kale ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka aamusay dilka abwaanakii ugu caansanaa magaalada Laascaanood iyo Soomaaliya, kaasi oo u shahiiday difaaca midnimada dalka.

Si kastaba ha ahaate, shaki kuma jiro in falcelinta iska soo horjeeda ee siyaasiyiinta ay saameyn ku yeelatay dareenka bulshada, oo doodo ka sii waday baraha bulshada ilaa saacadihii dambe ee xalay.

Haddaba, Inkastoo ay kala duwan yihiin sida ay dadku uga falceliyeen dhinacyada ku eedeysan dilka abwaan Jaamac Kadiye, haddana waxaan shaki ku jirin in dhammaan ummadda Soomaaliyeed ay ka murugoodeen dhacdadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM