​Hishiis dhexmaray Somaliland iyo Khatumo

Image

HARGAYSA, Somalia- Waxaa maanta hishiis ku kala saxiixday magaalada Hargaysa wafdiga Khatumo Cali Khaliif Gallayr iyo mas'uuliyiinta katirsan Somaliland, kasoo qayb ka ah wada-hadalo u socday muddooyinkii dambe.

Labada dhinac ayaa shir muddo kabadan Todobaad uga socday Caasumadda Hargaysa kasoo saaray hishiis ka kooban shan qodob oo kala ahaa;

1:In Somaliland & Khaatumo ay ku tuntunsadaan sidii loo gaadhi lahaa is afragad buuxa.

2:In laga Wada shaqeeyo Somalland loo wada dhan yahay , oo ku dhisan Cadaalada Sinaan Wax wada lahaansho , Maamul Wanaag Xaqdhawris xuquuqu insan ku dhisan diinta Islaaamka ,aanay cidi marti ku ahayn Somaliland .

3:In Distoorka Somaliland la furo sidii loo xaqiijiyo awood qaybsiga cadaalad ku dhisan oo lagu sameeyo gooyaasha , Baarlamaanka golayaasha fulinta sharci dejinta garsoorka iyo hawy'adaha dawliga .

4:In La sameeyo Maamul Dadejin gaadha degmo ,gobolka iwm

5:In shirka danbe lagu qabto magaalada Burco 10 July

Dhinacyada ayaa sidoo kale isla qaatay in laga wada shaqeeyo arrimo ay kamid yihiin;

1: Wadajirka

2: Wadalahaanshaha

3: Nabadda

4: Hormarka

5: iyo meel ugasoo wada jeedsiga Cadowga.

Shirkan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan beelaha SSC ay soo saareen baaq ku aadan inuusan matalin Cali Khaliif.

Gallayr ayaa hogaamiya maamulka Khaatumo oo aysan aqoonsanayn Puntland, halka Somaliland u aragto koox ka gadoodsan siyaasadeed iyagoo muddooyinkii dambe waday shirar ku aadan sidii loo qancin lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM