​Is-rasaasayn dhexmartay ciidamo katirsan Jabuti iyo Somaliland

Image

Iska horimaad ka dhaca badweynta u dhaxaysa Jabuuti iyo maamulka Somaliland, ayaa keentay dhimashada hal askari iyo dhaawaca labo qof oo midkood yahay kabtanka markab ka diiwaangashay dalka Masar oo kusugnaa goobta dagaalku ka dhacay.

Isku dhaca labada ciidan, ayaa keentay kadib markii ciidamo katirsan kuwa Badda Jabuti rasaas ku fureen markab kalluumaysi ruqsad ka haysta Somaliland, waxaana intaasi kadib rasaas isweydaarsaday ciidamada Jabuti iyo kuwa maamulkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Farxaan Xasan Cabdi ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada badda ee Jabuuti ay ka soo gudbeen xadka biyaha u dhaxeeya labada waddan, kadibna rasaas ku fureen markab laga leeyahay dalka Masar oo ka kalluumaysanayay badda dhinaca Somaliland.

Arrintan ilaa hadda kama hadlay xukuumadda Jabuti, balse wararka ka imaanaya dhinaca Somaliland ayaa sheegaya inuu socdo wadaxaajood islamarkaana dhacdadan dhawaan kawada hadli doonaan wasiirro katirsan labada garab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM