Ismaaciil Cumar Madaar oo loo diiday inuu u safro dalka Qadar

Image

HARGEYSA, Somalia - Saraakiisha maamulka Somaliland ayaa u diiday Ismaaciil Cumar Madaar, oo dhawaan laga soo saarey Tartankii Qur'aan Akhriska Dubia inuu u safro dalka Qadar, oo uu deganaansho ka helay.

Warsidaha GO ayaa helay Macluumaad la xiriira in Madaxda dowladda Imaaraadka ay ogaadeen in Madaar uu katirsan yahay Kooxda Ikhwaanul Muslimiinka, kadibna ay kasoo saareen Tartanka Qur'anka.

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa xiray Madaar isagoo kasoo ambabaxayay magaalada Hargeysa, islamarkaana doonayay inuu maro Muqdishu, si uu Diyaarad uga sii raaco halkaasi wadanka Qadar.

Madaar ayaa lagu hayaa baaritaano, waxaana la waydiinayaa Su'aallo ku saabsan sababta rasmiga ee loogu diiday inuu ka qeybgali Tartanka Qur'aanka, iyo xiriirka kala dhaxeeya Ikhwaanul Muslimiinka.

Madaar ayaa lagu sii daayey Damiin balse lo sheegey in uusan ka bixi karin Somaliland.

Markii uu kusoo laabtey Hargeysa Talaadadii kasoo dhaafay, wuxuu qabtey Madar Shir jaraa'id oo uu ku sheegay in sababta looga soo saarey Tartanka ay tahay diidmada Somalia diiday inay xiriirka u jarto Qadar, balse taasi ay markii dambe been noqotay.

Waxaa beeniyay arinkaasi Hay'adda qabanaysay Tartarnka Qur'aan akhrinta, oo sheegtay in Madaar ay Saraakiisha Imaaraadka ku heleen inuu taageero u muujiyay Baraha Bulshada dowladda Qadar iyo dembiyo kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM