Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Image
Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

HARGEYSA, Somaliland - Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata in ay u dhaqaaqdey dhaqan-gelinta heshiis beenaadkii ay la saxiixatay maamulka gobolada waqooyi ee Somaliland.

Talaabadan ayaa waxa ay kasoo ifbaxaysaa kadib markii xukuumadda Addis Ababa ay howlgelisay saraakiishii ay u dirtay magaaladda Hargeysa.

Saraakiishan sare oo katirsan ciidanka Itoobiya oo ay wehliyaan kuwa Somaliland ah ayaa Talaadadii shalay ahayd tagey deegaanada Ceel Lahelay iyo Ceel-Sheekh oo ku yaala agagaarka deegaanka Lughaye.

Dadka deegaanka oo ay la hadleen ayaa waxa ay u sheegeen in la bilaabay dhaqangalinta Iskaashiga amniga ee labada dhinac, aysana u socon wax dhibaato ah.

"Dadka deegaanka ayaa muujiyay in ay si ba'an uga soo horjeedaan damaca xadgudubka ku ah wadajir, dawladnimada iyo madax banaanida Soomaaliya, ee ay wado dawladda Itoobiya, waxayna sheegeen in ay ka dagaalami doonaan," ayuu yiri qof xog ogaal ah.

Ilo wareedyo aad ugu dhuun-daloola xaaladan ayaa tibaaxaya in ay Itoobiya qorsheynayso isla todobaadkan in ay ciidameeda geyso deegaanada xeebaha, gaar ahaana goobaha ay todobaadyo kahor sii digeen ciidanka Somaliland.

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole uu ku doonayo inuu ku qaboojiyo xiisada Soomaaliya iyo inuu arko madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM