Jabhadda Gacan Libaax oo diiday go'aamadi guddiga Habar-jeclo

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Sarkaalka lagu magacaabo, Oofwareen ee hogaamiyaha jabhadda saldhigga ka dhigatay buurta Gacan-Libaax ayaa ku dhawaaqay go'aankaan oo u muuqda mid aan Hargeysa laga jeclaysan.

Oofwareen oo muuqaal soo duubay ayaa yiri" ciidamadii dulmiga iyo jeegaanta ahaa ee 30 sano la inagu dulminayay waa kuwaas maanta Jamaahiirtu ku cibaadaysteen. Waan ugu hambalyaynayaa waxaana leeyahay ilaa Caynaba imaada".

Isaga oo sii hadlaya ayuu sheegay in aanu marnaba aqbalayn wadahadal inta Muuse Biixi madaxweyne yahay.

"Muuse Biixi waa in uu isa soo dhiibaa hadii kale gurgii Morgan ee Madaxtooyada u ah ayay ciidamadu ugu tagayaan".

Arintaan ayaa sii murjinaysa xaaladda Somaliland iyada oo dagaalo horey jabhadu ay ula gashay ciidamada Somaliland ay ku dishay ku dhawaad 20 askari oo uu ku jiro taliyihii ciidanka RRU-da Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM