​Jabuuti oo deeq gaarsiisay Somaliland

Image

Dowladda Jabuuti, ayaa deeq raashin ah gaarsiisay dadka tabaalaysan ee ku dhaqan Somaliland gaar ahaa goobaha abaaruhu saameeyeen kuwaasi oo mudooyinkii dambe xaaladooda nololeed laga dayrinayay.

Deeqdan raashinka ah ayaa lagu wareejiyay guddiga loo xilsaaray gurmadka abaaraha maamulkaasi, waxaana kala wareegista raashinkan ka dhacday xadka labada dhinac wadaagaan.

Xaflad kooban oo loo qabtay gurmadkan, waxaan mas'uuliyiinta kasocda dhinaca Jabuti sheegeen inay ku faraxsanyihiin qaabka deeqdan looga gudoomay iyagoo tilmaamay inay kasoo jawaabeen qaylo dhaan soo dirsadeen wakiillada shacabka Somaliland.

Dhinaca kale mas'uuliyiinta deeqdan la wareegay ayaa bogaadiyay tallaabada dowladda Jabuti.

Raashinkan ayaa lagu waday 11 gaari oo nooca xamuulka qaada, waxaana la sheegay in loogu talo galay gobollada Awdal iyo Salal ee Somaliland kuwaasi oo xaladoodu aad u liidato.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM