Khasaaro ka dhashay dagaal mar kale ka dhacay Laascaanood

Image
Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa waxay daaha ka qaadayaan in madaafiic lagu garaacay magaalada.

HARGEYSA, Somaliland - Dagaal culus ayaa Talaadadii shalay ahayd waxa uu mar kale ka dhacay bariga magaalada Laascaanood kaas oo ay rasaas culus isku-dhaafsadeen ciidamadda Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa waxay daaha ka qaadayaan in madaafiic lagu garaacay magaalada, kuwaasoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Wali ma cadda cidda dhabta ah ee colaadda u hurinaysa; si kastaba ha ahaatee, dhinacyada iska soo horjeeday waxay ahaayeen kuwo aad isugu dhawaa muddo afar bilood ka badan.

Warar ay heshay warbaahinta gudaha ayaa waxay soo jeedinayaan in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac si lamid ah waxyeelo soo gaartey dadka shacabka ah.

Horaantii todobaadkan, hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa cambaaraysay weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taal magaalada, halkaas oo ay ku dhinteen tobanaan qof oo ay ku jiraan shaqaale caafimaad iyo bukaanno.

WHO ayaa sheegtay in dagaalkii Talaasadii ka dhacay Laascaanood ay sidoo kale ku burburiyeen laba baabuur oo kuwa gargaarka ah isla markaana loogu talagalay taabulida dhaawacyadda.

Iyadoo ka jawaabaysa hadalka WHO, Somaliland waxay si adag u cadaysay inay ka go'an tahay ilaalinta nafta bini'aadamka iyo kaabayaasha rayidka, oo ay ku jiraan isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka.

Xiisada Laascaanood ayaa sii xoogeysatay ka dib dilkii loo geystay mid ka mid ah siyaasiyiinta gobolkan December 2022, taasoo dhalisay mudaaharaadyo baahsan.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa la sheegay in ay ka hortageen weerar ay ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo wali la tirokoobin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM