Kulan looga hadlay qiimo dhaca lacagta Somaliland

Image

HARGEYSA: Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa maanta dhammaanba xubnaha xukuumaddiisa  qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay, waxana kulankaas lagu lafo guray sidii xal waara loogu heli lahaa hoos ud haca muddooyinkii ugu dambeeyey ku imanayey qiimaha Shilinka Somaliland.

Kulankan oo goob joog ka ahaayeen xubnaha golaha wasiirrada, agaasimeyaasha guud, gudoomiyeyaasha hay’addaha madaxa Banaan, Maareeyeyaasha, Taliyeyaasha Ciidamada ee kala duwan ayaa waxaa laga soo saaray qoddobo dhawr ah oo uu warbaahinta u akhriyey wasiirka madaxtooyada Somaliland. 

“xukuumad ahaan waxanu garwaaqsanay oo aan meelmarin doonaa hufnaanta iyo nidaamka dibu habaynta maaliyadda Somalaildn, xeerarkoodiina dhammaan golaha wakiillada bay hor yaalaan, kuwaas oo kalsooni gelinaya in muwaadiniintu aragto sida hantidoodu u socoto. Waxanu samayn doonaa wacyigelin joogta oo aanu bulshada ugu sheegeyno inay lacagtooda isticmaalaan, Somalaialnd waxa ay halkaan kusoo gaartey isku tashi, awoodaha Bangiga dhexena waanu xoojin doonaa.”ayuu yirii Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi.

Somalailand ayaa waxaa la soo gudboonaadey qiima dhac ku yimid lacagta Shilinka taasoo saameyn dhaqaale ku yeelatey bulshada gaar ahana kuwooda danyarta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM