Labadii kaar uu ay isku-geeyay maamulka Somaliland oo "gubtey"

Image
Doorashooyinka oo dib-u-dhacay iyo colaadda Laascaanood ayaa burburisay sheegashooyinkan.

HARGEYSA, Somaliland - Sannadkan ma ahan mid u wacan maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland gaar ahaan sumcadda uu ka goobayo masraxyadda siyaasadda iyo diblumaasiyadda guud ahaan caalamka.

Kadib markii ay sheegteen in ay ka go'een Soomaaliya 1991-kii, Hargeysa waxay isku-suuq-geysay "goobta ugu xasiloon Geeska Afrika, hub ka dhigis iyo doorashooyin dimoqraadi ah".

Hase yeeshee, doorashadii madaxtooyada ee lagu waday inay qabsoonto sannadkii hore ayaa dib u dhac ku yimid. Bishii February, maamulka ayaa ku duulay magaalada Laascaanood ay ka qarxeen dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana sababay in tobanaan kun oo qof oo rayid ahi ka qaxaan.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dhimashada halka Mareykanka uu walaac ka muujiyay "dib u noqoshada dimuqraadiga ah".

Balse, maamulka uu hogaamiyo madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku doodaya in durbaanka dagaalka uusan dhankooda ka socon isla markaana ay qaban doonan doorashooyinka.

“Somaliland, madaxweynayaasheena ayaanu ku dooranaa. Laakiin sidoo kale waxaanu dooranaa xisbiyadayada [hore]. Ma fududa in la qabto doorashooyin badan," ayuu yiri Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Mohammed Hagi oo la hadlay Al Jazeera.

Hagi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Doorashooyinku waa qaali, sidoo kale waa in aan kharash ku bixinaa sidii aan dalkeena uga ilaalin lahayn khataraha dibadeed".

"In kasta oo ay daciif tahay in aan doorasho ku dhicin waqtigeeda, sababaha waa farsamo iyo dhaqaale, maaha sababtoo ah siyaasiyiintayadu ma rabaan. Marka laga reebo Taiwan [oo bixisay qalab sida iris scanners], sidoo kale kama helno wax dalalka kale ka caawiya doorashooyinka," ayuu xusay.

Laascaanood ayaa tobanaan sano waxaa ka taagneyd is-qabqabsi u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland waxaana halkaas horey uga dhacay dagaalo galaaftey askar iyo shacab.

"Xallinta khilaafka waxa laga yaabaa inay u baahato Somaliland inay u tanaasulaan gooni-isu-taagga – waana arrin khatar gelin karta xiriirka Taiwan marka la eego in Soomaaliya aqoonsan tahay Shiinaha," ayay tiri Al Jazeera.

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM