Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JABUUTI - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa maanta u kicitimay safar shaqo oo socon doona muddo saddex cisho ah, isaga oo kusii jeeda dalka Jabuuti.

Safarka madaxweynaha ayaa yimid kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

Cirro iyo Madaxweyne Geelle ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arrimo la xiriira danaha labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Xiriirkii Jabuuti kala dhaxeeyay maamulka Somaliland ayaa xumaaday sanadkii hore oo xukuumadii Muuse Bixii ku eedeysay Ismaaciil Cumar Geelle inuu marti-geliyay shaqsiyaad ka shaqeynaya dhismaha Awdal State.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM