​Madaxweyne Siilaanyo oo safar u aaday Turkiga

Image

HARGEYSA,Somaliland- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa safar qaadan doona muddo toddobaad ah ugu ambo baxay dalka Turkiga, iyadoo ujeeddada socdaalkaas lagu sheegay mid madaxweynaha khaas u ah.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye oo daqiiqado ka hor safarka madaxweynaha saxaafadda kula hadlay qasriga madaxtooyada, ayaa sheegay inuu madaxweynuhu arrimo isaga khaas u ah u bixi doono, waxana uu meesha ka saaray inuu u safrayo arrimo siyaasi ah.

Afhayeen shamax waxa uu tilmaamay in socdaalkaas yahay mid uu madaxweynuhu xoogaa nasasho ah ka geli doono hawlaha uu gacanta ku hayo oo uu sheegay inay tiro badan yihiin, isagoo intaas ku daray inay fasaxyadu ku yar yihiin madaxweynaha.

Inkastoo aanu afhayeenka madaxweynuhu faahfaahin ka bixin cidda safarka madaxweynaha ku wehelin doonta, haddana waxa wararku sheegayaan inay wehelinayaan xubno kooban oo qoyskiisa kamid ahi.

Safarka madaxweynaha ee dalka Turkiga, ayaa kusoo beegmaya xilli uu wali hakad ku jiro wada­hadalkii ay Somaliland la lahayd dhiggeeda Somaliya, kaas oo ka qorshaysnaa wadanka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM