Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo ku dhawaaqday xukunka wariye Bashaaru Cali

Image
SAWIR HORE

HARGEYSA, Somaliland - Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ee magaalada Hargeysa ayaa xukun hal sano oo xarig ah ku xukuntay wariye Bushaaro Baanday.

Sida laga soo xigtay hay'adaha u dooda Wariyeyaasha, waxaa Bashaaru lagu eedeeyay inay warar been abuur ah ku qortay baraha bulshada.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laga soo xigtay in halka sano ee lagu xukumay ay ku jiraan saddex bilood oo ay horay u xorneed.

Xukunkan ayaa sidoo kale la sheegay in la iibsan karo, sida laga dareemayo falcelinta ay ka baxisay hooyadeed oo warbaahinta maxaliga la hadashay.

Bushaaro ayaa la xiray 15-kii May, waxa ayna ku jirtay xabsiga tan iyo xilligaas. halka ha’yadaha Ilaalaya xoriyadda saxaafadda ay muddoyinkii la soo dhaafay ku baaqayeen in la sii daayo.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in jirdil loogu geystey xabsiga, taas oo ilaa haatan aan cadayn loo hayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM