Muuse Biixi Cabdi: Al-Shabaab ma ogolin, waana iska difaaceynaa

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan sheegay isagoo aan caddeymo soo bandhigin.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Axada maanta ah waxa uu hadal ka jeediyey Kuliyadda Cabdillaahi Askar ee deegaanka Dararweyne ee duleedka Hargeysa.

Biix oo halkaas tababar loogu soo xirayay ciidamo ka tirsan milatariga Somaliland ayaa mar kale ku celiyay in gobolka Sool ay ka dagaalamayaan ururka Al-Shabaab iyo Puntland.

"Huwanta laguu sheegayo waa qayb Al-shabaab ah, iyo Puntland oo Soomaaliya kamid ah oo cilmi cusub oo aduunka ku cusub keentay, oo leh si qabiil ah ama hayb ah ayaan u sameynaynaa dal dhexe oo Soomaaliyana ahayn, Somaliland na ahayn, ee magac hayb leh, taasi mid suurta galaysa maaha," ayuu tibaaxay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyay inaanay marnaba ogolaan doonin in Alshabaab ay xeryo ka sameysato Somaliland.

“Al-Shabaab ma ogolin in dalkan ay ka sameyso qas, oo ka sameyso xeryo dheeraada ee waa ka daafacaynaa," ayuu hadalkiisa ku daray isaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah.

Somaliland ayaa dharbaaxo waxa ay kala kulantey dagaalka Laascaanood halkaas oo ay dadka degaanka si buuxda ula wareegeen isla markaan ay iska-difaaceen duulaanka kaga yimid maamulka Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM