Muuse Biixi oo si carro leh uga hadlay heshiiska Turkiga

Image
Biixi ayaa sheegay in la fulin doono qodobadii ka soo baxay heshiis-beenaadkii Somaliland-Itoobiya.

Hargeysa, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa si kulul uga hadlay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya, kaasoo la xiriira iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in la fulin doono qodobadii ka soo baxay heshiis-beenaadkii u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo aan loo eegin isku dayga Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu ahaa tiirka dagaallada taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in la gaaray waqtigii la xoojin lahaa nabadda iyo isku xirnaanta dalalka gobolka.

ْ"Xasan waxaan leeyahay waxba idiin tari mayso inaa wacdaan Masar iyo Turkigaba, waxaana leeyahay shacbiga Somaliland waxba ha ka welwelina, hore ayaanu u soconaa.” ayuu raaciyay.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya kadib heshiis ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo dhigaya in Turkiga uu dhiso ciidamada badda Soomaaliya, isla markaana uu helo 30% ee kheyraadka badda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM