Nuux Taani oo Booqday Buq-Dharkayn

Image
Breaking News

Laascaanood-Taliyaha Ciidamada Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaa Booqasho ku tagay sida uu ku waramay Telefishinka Somaliland deegaanada u dhaw Buq-Dharkayn.

Walaw Garowe Online aysan si madax banaan u xaqiijin karin in halka Nuux Taani booqday ay tahay Buq-Dharkayn misana warbaahinta lagama siidayn hadalka Nuux Taani oo aan indhawaala la maqal warkiisa tan iyo intii Ciidankiisu sida ba'an ugu jabay dagaalkii 25 Augost ku qabsaday Goojacadde.

Hogaanka Hawlgalinta ciidamada Somaliland oo hadlay ayaa sheegay in ciidanku Heegankiisi caadiga ahaa ku jiro isla markaana guulaysan doono.

SSC-Khaatumo ayaa horey u sheegtay in Buq-dharkayn ay kula dagaalameen ciidamada Somaliland balse aysan halkaasi joogin maleeshiyo beeleed sida ay hadalka u dhigeen.

Colaada Sool ayaa laga digayaa in ay isku badasho mid Beelo iyada oo u muuqata mid Reer Mi'yiga ku faafaysa.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM