Qaramada Midoobay oo faafisay diiwaanada colaada Laascaanood

Image
Wararka waxa ay sheegayaan in dadkani aysan haysanin hoy, cunto iyo waliba il uu masruufka kasoo galo.

HARGEYSA, Somaliland - Hay'adda Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in magaalada Laascaanood ay ka qaxeen wax ka badan 185 kun oo shacab ah, kuwaas oo qaarkood u tabaalay dalalka dariska ah.

60 kun oo ka mid ah dadkaasi ayaa gaaray meelo ay ka mid tahay magaalada Bookh ee gobolka Doollo, halkaasi oo ay dul dageen shacab markii horeba abaaraha la tiicayay, islamarkaasna ay biyaha aad ugu yaryihiin.

Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga deyrinaysa xaaladda dadka dagaalada Laascaanood ku barakacay, waxayna sheegtay in ay dageen wax ka badan 66 goobood oo ka baxsan magaalada.

Wararka waxa ay sheegayaan in dadkani aysan haysanin hoy, cunto iyo waliba il uu masruufka kasoo galo iyada oo weli ay magaalada ku hoobanayaan madaafiicda ay tuurayaan ciidamada Somaliland.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, sidoo kale Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa ka digay dhibaatada shacabka gaaraysa. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM