Qaramada Midoobay oo faafisay diiwaanada colaada Laascaanood

Image
Wararka waxa ay sheegayaan in dadkani aysan haysanin hoy, cunto iyo waliba il uu masruufka kasoo galo.

HARGEYSA, Somaliland - Hay'adda Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in magaalada Laascaanood ay ka qaxeen wax ka badan 185 kun oo shacab ah, kuwaas oo qaarkood u tabaalay dalalka dariska ah.

60 kun oo ka mid ah dadkaasi ayaa gaaray meelo ay ka mid tahay magaalada Bookh ee gobolka Doollo, halkaasi oo ay dul dageen shacab markii horeba abaaraha la tiicayay, islamarkaasna ay biyaha aad ugu yaryihiin.

Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga deyrinaysa xaaladda dadka dagaalada Laascaanood ku barakacay, waxayna sheegtay in ay dageen wax ka badan 66 goobood oo ka baxsan magaalada.

Wararka waxa ay sheegayaan in dadkani aysan haysanin hoy, cunto iyo waliba il uu masruufka kasoo galo iyada oo weli ay magaalada ku hoobanayaan madaafiicda ay tuurayaan ciidamada Somaliland.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, sidoo kale Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa ka digay dhibaatada shacabka gaaraysa. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM