Shacabka Burco oo ka soo horjeestay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo maamulka Somaliland

Image
Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan heshiiskan.

BURCO, Soomaaliya - Kumannaan shacab ah oo ka careysan heshiis beenaadkii dowladda Itoobiya ay la saxiixatay maamulka Somaliland ayaa màanta isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer]

Shacabka Burco ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Burco, kuwaas oo si weyn uga soo horjeystay damac gurracan ee Itoobiya ku dooneeyso badda soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi, iyagoo sheegay in aysan aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka iyo badda soomaaliya midnaba aan la siin karin Itoobiya.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay guud ahaan dalka dibad baxyo waa-weyn oo looga soo horjeeda heshiis benaadka Itoobiya ay la gashay Somaliland, waxena shacabku mujiyeen sida aan marnaba loo aqbali karin ku xadgudubka qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLNIE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM