Shacabka Somaliland oo ka hadlay xuska 18 May

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maanta waxay ku beegantahay 26 sano guuradii kasoo wareegtay markii Maamulka Somaliland uu ku dhawaaqay inuu ka go’ay Somalia inteeda kale sannadkii 1991-dii.

Maalintan oo kale waxaa guud ahaan deegaanada Somaliland iyo dibadaba lagu qabtaa dabaal dagyo xoog leh oo lagu maamusayo gooni isu taagga Somaliland.

Inkastoo sannadkan xukuumaddu ku dhawaaqday inaan la xusin sababo ay kamid tahay abaarta ku dhufuray gobollada Waqooyi. Hase ahaatee shacabka ayaa ku maamusaya fariimo iyo hambalyayn ay isu marinayaan baraha bulshada, halka Qurbaha ay ka socoto diyaar garow ku aadan 18 May.

Goor sii horaysay Wasiirka Warfaafinta oo la  hadlayay warbaahinta ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay in kharashka ku baxaya xafladahaas loo weeciyo Qaaraan lagu taakulaynayo dadka abaaruhu saameeyeen.

Qaar kamid ah shacabka ku nool magaalada Hargaysa, ayaa soo dhaweeyay tallaabada dowladdu ku hakisay fantasiyihiin maalintan oo kale ka dhici jiray caasumadda Somaliland.

Dadweynaha ayaa xukuumadda uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay ugu gurmatay dadka abaaruhu saameeyeen ee gobolladaas ku sugan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM