​Siilaanyo oo ku baaqay in talo qaran laga yeesho Tahriibka

Image

HARGAYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay masiibada ku habsatay dhallinyaro Somaliyeed oo ku geeriyooday badda u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.

Siilaanyo oo qoraal tacsi iyo talo soo jeedin iskugu jirta xafiiskiisa kasoo saaray, ayaa dhimashada dhallinyaradaas oo badankoodu kasoo jeedaan Somaliland ku tilmaamay mid ku timid qaddarka Alle oo aan marnaba la oolin kareen.

Madaxweynuhu waxuu soo jeediyey in la dedejin doono talo qaran oo laga yeesho dhibaatada tahriibta, isagoo ku tilmaamay dhallin yarada aayihii dalka ee laga dhursugayey inay gacanta ku qabtaan talada dalka berrito, ilaalintooda iyo bedqabkooduna tahay waajib saaran kolba inta waaweyn ee masuulka ka ah iyaga iyo dalkaba.

Doon ku qarqoontay badweynta dalalka Masar iyo Talyaaniga u dhaxaysa, ayaa waxa ku nafwaayey dad tiradoodu ku dhawdahay ilaa 400­qof oo intooda badani soomaali ahaayeen, iyadoo tiro badan oo dhallinyaradaas kamid ahina kasoo jeeday Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM