​Siilaanyo oo kulan la qaatay Guddoonka Barlamanka Somaliland

Image
Image
Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shir albaabadu u xiranyahay oo lagaga tashanayo saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada ee doorashooyinka soo socda la yeeshay shirguddoonka golaha wakiillada iyo hoggaanka saddexda xisbi ee Somalilnad ka jira.

Kulankan oo ahaa mid saxaafaddu dibadda ka joogtay ayaa dhinacyadu si weyn ugu lafo gureen sidii loo heli lahaa talo midaysan oo salka ku haysa saamiga xubnaha Baarlamaanka soo socda ee gobollada dalku yeelan doonaan, waxana uu madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay talo qaran oo lagaga baxo caqabadda taagan.

Madaxweynuhu waxa uu uu xubnaha kulankaas la qaatay ku boorriyey inay dedejiyaan xal lagu qaybsan karo kuraasta Baarlamaanka ee gobollada dalka, waxana halkaas la isku weydaarsaday aragtiyo kala duwan oo la xiriirta saami qaybsiga.

Xubnaha metelayey saddexda xisbi iyo shirguddoonka, ayaa shaaciyey inay sii ambo qaadi doonaan fadhiyo badan oo ay arrinta saami qaybsiga ka yeelan doonaan, waxana ay sheegeen inay ku rajo weyn yihiin inay ugu dambaynta xal buuxa soo saaraan.

Muran ba’an ayaa ka taagan saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Somaliland, maadaama aanu jirin wax xeer ah oo lagu soo dooran doono xubnaha baarlamaanka, iyadoo ay jirto warwar soo kordhaya oo la xiriirta in doorashada golaha wakiillada ee qorshaysan horraanta sanadka 2017-ku ay dib u dhici doonto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM