​Siilaanyo oo u hambalyeeyey dhiggiisa Jabuuti

Image

HARGAYSA- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hadlay doorashada madaxtinimo ee dalka Djibouti iyo guusha uu madaxweyne Cumar Geelle  kasoo soo hooyey, isagoo si weyn u hambalyeeyey go’aanka shacabka reer Djibouti mar afraad ku  doorteen Madaxweyne Geelle.

War qoraal ah oo kasoo baxay aqalka madaxtooyada, ayaa lagu sheegay inuu  Madaxweyne Siilaanyo bogaadiyey aadna ugu farxay doorashada sida nabadda ah uga dhacday dalka  Djibouti, islamarkaana dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa Djibouti.

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, waxaa sidoo kale lagu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti oo noqon doono mid ka xoog badan sida uu haatan yahay.

Ugu dambayntii madaxweyne Siilaanyo waxa uu shacabka rDjibouti u rajeeyey guul iyo barwaaqo mustaqbalka dhaw ah, isagoo kula dardaarmay inay ilaashadaan nabadooda.

Guddiga Doorashada dalka Djibouti ayaa shaaciyey in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle markii afraad loo doortay madaxtinimada dalkaas, isagoo tiro ka badan 86% (boqolkiiba lix iyo sideetan) kaga guulaystay murashaxiintii kale ee ay doorashada ku loolameen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM