Siyaasiyiinta Somaliland ku metelaya JFS oo ka soo horjeestay damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Image
Siyaasiyiinta ayaa taageeray go'aamadii ka soo baxayBaarlamaanka, Golaha Wasiiradda iyo Madaxtooyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiyiinta, Wasiirrada iyo Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka JFS ee ka soo jeeda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray damaca iyo xadgudubka dawlada Itoobiya ee ku aaddan Is-fahamka ay la galeen Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Siyaasyiinta ayaa war-saxaafadeedka ku cambaarayay damaca iyo xadgudubka Itoobiya iyo Is-afgaradkii 1-da bisha magaalada Addis ababa ku dhexmaray Dawladda Itoobiya iyo Muuse Biixi

Waxay sidoo kale ku muujiyeen bayaanka ay soo saareen in ay u taaganyihiin ilaalinta madaxbanaanida, midnimada dhuleed iyo gobanimada dadka Soomaaliyeed, iyaga oo yiri:

“Dhulku waa dhaxal ummadeed mana jiri karo qof awood u leh inuu bixiyo taako ka mida ah dhulka iyo badda Soomaaliya.”

Siyaasiyiinta ayaa taageeray go'aamadii ka soo baxay labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya, Golaha Wasiiradda iyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadanaa Is-afgaradkaas xadgudubka ku ah qaranimada Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu xusay: “Waxaanu aaminsanahay in midnimada, horumarka iyo gobonimada dadka Somaliland uu ku jiro dariiqa wada hadalka masiiriga in la sii wado oo laga midho dhaliyo.”

Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen hab fikirka Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo caqabad ku ah nabada, deganaashaha iyo wada. noolaanshaha shucuubka ku nool gobolka geeska Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM