Somaliland: Aqalka gudoomiyaha gobolka Sool oo la weerarey

Image

LASCANOD- Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsanayn goor dambe oo habeennimadii xalay ahayd soo weerartay aqalka uu magaalada Lascanod ka deggen yahay guddoomiyaha gobolka Sool Md. Mustafe Cabdi Ciise Shine.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaankaasi kooxda dablayda oo aan tiradooda la aqoon, ayaa waxa ay rasaas culus isweydaarsadeen ilaalada guddoomiyaha, balse ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo dhinacyadaas gaadhay.  

Warku waxa uu intaas ku daraya inuu guddoomiyuhu guriga ka maqnaa xilliga weerarkaasi dhacayey, isagoo ku sugan caasimadda Somaliland ee Hargeysa. 

Guddoomiye Shiine, ayaan wali ka hadlin weerarka la sheegayo in gurigiisa lagu qaaday, waxase xusid mudan in ciidamada ammaanku wadaan baaritaanno lagu raadinayo kooxdii hubaysnayd ee aqalka weerartay oo aan wali wax tibaax ah laga haynin.  

Ma aha markii ugu horraysay ee kooxo hubaysani goor habeennimo ah weeraraan aqallada masuuliyiinta Somaliland kuleeyihiin gudaha magaalada Lascaanood, waxana dhawaan weerar gaadmo ah xilli habeen ah lagu dilay nin ay walaalo ahaayeen xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland oo xilligaas Lascanood ku sugnaa. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM