​Somaliland: Boliiska oo qabtay dad dil gaystay

Image

Burco- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa gacanta kusoo dhigay saddex eedaysane oo lagu tuhmayo dilka nin darawal ahaa oo maanta lagu dilay magaalada Burco.

Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Muuse Cawil (Budul), ayaa lagu toogay bartamaha magaalada Burco, waxaana ciidamada Boliisku dabagal dheer kadib ku guulaysteen inay soo qabtaan saddex nin oo dilkiisa loo aanaynayo, kuwaas oo gacanta ciidanka ku jira.

Afhayeenka ciidanka Boliiska Faysal Xiis, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay ciidamadu  soo qabteen raggii dilka geystay, isla-markaana sharciga la horgeyn doono.

Marxuumka dhintay, ayaa kasoo jeeday degmada Buuhoodle, waxaana wararka dilkiisa laga helayaa sheegayaan in aano qabiil loo dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM