Somaliland: Fanaan lagu xiray Hargaysa

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Fannaanka Farxaan Xidig oo kamid ah suugaanlayda Somalida kaasi oo muddo ku noolaa Qurbaha, balse muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada Somaliland.

Xidig ayaa ku xiran xarunta danbi baarista magaalada Hargaysa, waxaana la filayaa in maxkamad la hor geeyo.

Fannaankan ayaa loo haysto arrimo ka dhan ah madax banaanida maamulka Somaliland isagoo lagu soo eedeeyay inay degmada Boorame ee gobolka Awdal ka abaabulayay qorshayaal wax u dhimaya jiritaanka maamulkaasi.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in loo xiray howlo la xiriira siyaasadda iyo qorshayaal oo ku doonayay inuu kaga mid noqdo golaha Barlamanka Somalia.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay xarigga fannaankaas oo lagu xayo xabsi ku yaalla magaalada Hargaysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM