​Somaliland: Ganacsade lagu xiray Hargaysa

Image

HARGAYSA- Ciidamada booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhigay ganacsadeCumar Caydiid  Axmed oo  ganacsiyo ku leh Somaliland Iyo Djibouti, waxana xadhigiisu salka ku hayaa muran ka aloosan  Maalgashi uu ku sameeyey xaruntii murtida iyo madadaalada  Hargeysa oo  ay xukuumaddu ruqsad u siisay. 

Wararka kala duwan ee kasoo baxaya xadhiga ganacsadahan ayaa sheegaya inuu diiday ogolaansho ay dad kale xukuumaddu u siisay wajahadda hore ee xarunta Tiyaatarka ee isaga la siiyey, halkaas oo hore u ahaan jirtey Parking, balse haatan dadka la siiyey doonayaan inay dhismayaal ganacsi ka dhistaan. 

Ganacsade Cumar Caydiid, ayaa maanta ciidamada Boolisku  ka qabteen aqalkiisa magaalada Hargeysa,  mana jirin wax warqad soo qabasho ah oo ay maxkamadaha ka siteen, balse waxa ay sheegeen inay xadhigiisa amar ku qabaan, sida uu BBC-da u xaqiijiyey Wasiir-ku-xigeenkii hore ee qorshaynta Cabdikariin Axmed Mooge oo ay wada socdeen xilligii la xidhayey. 

Cumar Caydiid, ayaa maalgalinayay xarunta Tiyaatarka, waxana kasocda dhisme dhawr dabaq ka kooban kaas weli qabyo ah, balse maalihii ugu dambeeyey waxa warbaahinta eedo culculus isu marinayey odayaal kasoo kala jeeday ganacsadaha la xiray iyo xubnaha kale ee dhismaha ku muransan yihiin. 

Waxgaradka labada dhinacay ayaa xarigga ka hor ku baaqay in xukuumaddu arrinta faraha lasoo gasho. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM