Somaliland: Ganacsade xabsiga laga sii daayey

Image

HARGEYSA- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xorriyadiisa dib ugu celiyey ganacsade Cumar Caydiid oo ganacsiyo kala duwan ku leh Somaliland iyo Djibouti, kaas oo muddo afar maalmood ah muran la xiriira dhismayaal uu Hargeysa ka wado u xirnaa. 

Ganacsadahan ayaa isagoo aqalkiisa jooga si ramsi ah warbaahinta ugu xaqiijiyey in xorriyadiisa dib loogu celiyey, isagoo intaas ku daray in sii dayntiisu timi, kadib markii ganacsatada waaweyn ee Somaliland soo dhexgaleen muranka dhulka la siiyey ka taagan. 

Cumar Caydiid waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil siiyo warbahinta ayaa sheegey inuu sugayo natiijada guddi ganacsato ah oo arrintiisa gacanta ku haya soo saarto. 

Xukuumada Somaliland ayaan ka hadlin xariga iyo sii daynta gancsadahaan taasoo dhalisay muran xoogan ee u dhexeeya dowalada iyo beelaha uu kaoso jeedo Cumar Caydiid.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM