Somaliland: Ganacsade xabsiga laga sii daayey

Image

HARGEYSA- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xorriyadiisa dib ugu celiyey ganacsade Cumar Caydiid oo ganacsiyo kala duwan ku leh Somaliland iyo Djibouti, kaas oo muddo afar maalmood ah muran la xiriira dhismayaal uu Hargeysa ka wado u xirnaa. 

Ganacsadahan ayaa isagoo aqalkiisa jooga si ramsi ah warbaahinta ugu xaqiijiyey in xorriyadiisa dib loogu celiyey, isagoo intaas ku daray in sii dayntiisu timi, kadib markii ganacsatada waaweyn ee Somaliland soo dhexgaleen muranka dhulka la siiyey ka taagan. 

Cumar Caydiid waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil siiyo warbahinta ayaa sheegey inuu sugayo natiijada guddi ganacsato ah oo arrintiisa gacanta ku haya soo saarto. 

Xukuumada Somaliland ayaan ka hadlin xariga iyo sii daynta gancsadahaan taasoo dhalisay muran xoogan ee u dhexeeya dowalada iyo beelaha uu kaoso jeedo Cumar Caydiid.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM